Sunday, June 28, 2026

Aadan Madoobe oo la isku raacay inuu xisbiga JSP u tartamo xilka madaxtinimada KGS

Kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu gaaray go’aan muhiim ah oo lagu taageerayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), si uu ugu tartamo xilka Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay in Xuseen Sheekh Maxamuud loo dalacsiiyo xilka Xoghayaha Guud ee xisbiga JSP, tallaabadaas oo loo arko mid ka tarjumeysa kaalintiisa sii kordheysa ee siyaasadda gudaha, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Go’aamadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo loollanka siyaasadeed iyo diyaar garowga doorashooyinka, taasoo sare u qaadday dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Koonfur Galbeed iyo xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa la filayaa inuu u safro magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaas oo ay ka socoto abaabul siyaasadeed oo la xiriira doorashada.

Wararka ayaa tilmaamaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay doonayso inay ku abaalmariso Aadan Madoobe doorkii uu ku lahaa wax ka beddelkii Dastuurka, taasoo qayb ka ah qorshaha lagu taageerayo.

Si kastaba, qorshahan ayaa la sheegay inuu caqabad hor leh ku noqon karo doorashada la filayo inay ka dhacdo Baydhabo, maadaama ay jiraan siyaasiyiin badan oo aan ku qanacsaneyn habka ay wax u socdaan.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay soo baxaan falcelinno iyo isbeddello cusub oo saameyn ku yeelan kara jihada doorashada Koonfur Galbeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha ciidamada Uganda oo albaabada u laabay warbaahinta ugu muhiimsan Uganda

Shabakadda warbaahinta madaxa-bannaan ee ugu weyn Uganda ayaa sheegtay...

Madaxweyne xasan sheekh iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Iiraan oo ugu baaqday Mareykanka inuu qaado tallaabooyin ay Israa’iil ku joojiso howlgalladeeda milatari ee Lubnaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa carrabka...

Booliiska Soomaaliya oo soo Bandhigay dhallinyaro lagu eedeeyay Faafinta Anshax-xumo

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan waaxda CID, ayaa...

Somaliland”Siyaasiyiin Reer Somaliland ah ayaa Nairobi kula shiray DF”

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles