Xasan Sheekh oo la kulmay Isimada dhaqanka iyo dood culus oo dhexmartay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan muhiim ah la qaatay hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed oo isaga yimid guud ahaan dhulka Soomaalida.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorka odayaasha dhaqanka iyo mustaqbalka hanaanka doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa odayaasha ku bogaadiyey kaalintooda muhiimka ah ee nabadeynta, dib u heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xusay in dhaqanku laf-dhabar u yahay xasilloonida dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u adkeeyay in aan laga tanaasuli karin xaqa ay shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin inay doortaan hoggaamiyeyaashooda, isagoo ku booriyay isimada dhaqanka inay taageeraan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, si loo helo nidaam dimuqraadi ah oo hufan iyo matalaad dhab ah.

Dhankooda, qaar kamid ah isimada dhaqanka ee ku sugan Muqdisho ayaa si adag uga hadlay jihada siyaasadeed ee dalka iyo qorshayaasha ka socda Villa Somalia.

Isimada ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu ka fogaado tallaabooyin horseedi kara qalalaase siyaasadeed, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la helo wadatashi ballaaran oo lagu mideysan yahay, si looga hortago khilaaf hor leh.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro muran siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan nooca doorasho ee dalka loo jiheynayo, iyadoo ay muuqato kala aragti duwanaansho u dhexeeya dowladda iyo qaar kamid ah hoggaanka dhaqanka.

Lama oga in kulankan uu horseedi doono is-afgarad siyaasadeed oo dhab ah, balse wuxuu muujinayaa cadaadiska sii kordhaya ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay doorashadii ku celiska ahayd ee Galmudug

Qoraal lagu baahiyey barta Faceboog ee Maxkamadda Sare ee...

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay xarumihii dowladda ee Beled-Xaawo

Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay xarumihii...

DFS oo Liiska Qaran ee Cunaqabateynta Maaliyadeed ku dartay Laftagareen iyo Xubno la Xiriira

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada...

DDS oo markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada Soomaaliya ee galay Itoobiya

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay...

Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad ka dhan ah dastuurka cusub iyo muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles