Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee G/Sanaag

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga degmada Badhan, ayaa kulan is-xogwareysi la qaatay Nabadoonnada iyo waxgaradka Gobolka Sanaag.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarka ka socda Gobolka ee dhinacyada Amniga, Kaabayaasha Dhaqaalaha sida Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, dhismeyaasha xarumaha maamulka iyo Mashaariicda horumarin iyadoo sidoo kalena kulanka lagu soo bandhigay baahiyaha ka jira deegaanka oo la qorsheeyay in looga jawaabo sida ay u kala horeeyaan.

Madaxweynaha ayaa bulshada Gobolka Sanaag uga mahadceliyay doorkii ay ka qaateen Howlgalka Calmiskaad iyo Doorashadii qof iyo cod, isagoo xusay in sidoo kalena ay muhim tahay in hadana bulshadu kaalintooda isu diyaariso howlgalka Calmadow oo dhinaca Dowladda Diyaargarowgu meel fiican marayo.

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Puntland  Maxamed Baari Shire, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, La-taliyeyaal Madaxweyne, Guddoomiyaha Bangiga Dowladda Puntland, Saraakiisha Amniga Gobolka, Maamulka Gobolka Sanaag iyo kan degmada Badhan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay doorashadii ku celiska ahayd ee Galmudug

Qoraal lagu baahiyey barta Faceboog ee Maxkamadda Sare ee...

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay xarumihii dowladda ee Beled-Xaawo

Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay xarumihii...

DFS oo Liiska Qaran ee Cunaqabateynta Maaliyadeed ku dartay Laftagareen iyo Xubno la Xiriira

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada...

DDS oo markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada Soomaaliya ee galay Itoobiya

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay...

Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad ka dhan ah dastuurka cusub iyo muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles