Amniga Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay iyo xilli doorashooyin dhawaan la filayo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa wajahaysa xaalad amni oo si aad ah loo xoojiyay, iyadoo lagu jiro diyaar-garow loogu jiro doorashooyin la filayo inay ka dhacaan halkaasi.

Ciidamada amniga ayaa la geliyay heegan buuxa, waxaana la kordhiyay kontoroollada iyo howlgallada lagu xaqiijinayo badqabka shacabka iyo goobaha la qorsheeyay in doorashooyinka lagu qabto.

Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu sugo amniga guud ee magaalada.

Wasiirka Amniga ee maamulka Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen Joon, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda amni ee gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha ciidamada ayaa kulanka ka sheegay in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen sugidda amniga doorashooyinka.

Adkeynta amniga ayaa ku soo beegmaysa xilli loolan doorasho oo xoogan uu ka socdo gudaha Baydhabo, taas oo sare u qaaday feejignaanta dhinaca amniga.

Mas’uuliyiinta maamulka ayaa adkeeyay in ay ka go’an tahay in doorashooyinkaasi ku dhacaan jawi nabdoon oo xasiloon.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles