Friday, May 1, 2026

Wasiiro, siyaasiyiin & Xildhibaano ku qulqulaya Baydhabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ay weheliyaan wafdi uu hoggaaminayo, ayaa saakay ku wajahan magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo aad u xooggan, kuna saabsan doorashada madaxtinimada ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Socdaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan kulamo iyo is-abaabul siyaasadeed oo ay wadaan dhinacyada ku loollamaya hoggaanka maamulkaas.

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ay ka dhacdo munaasabad si rasmi ah loogu shaacinayo musharaxnimada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, kaas oo isu soo taagay xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid si weyn u beddeli karta jihada siyaasadda maamulka, maadaama uu yahay siyaasi miisaan culus ku leh siyaasadda dalka.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in xildhibaanno tiro badan oo taageersan Madaxweynaha talada laga tuuray Cabdicasiis Laftagareen ay iyaguna gaareen Baydhabo, si ay uga qeyb qaataan doorashooyinka iyo ololaha siyaasadeed. Tani waxay muujinaysaa in loollanka doorashada uu noqon doono mid adag oo u dhexeeya musharixiinta ugu waaweyn.

Baydhabo ayaa haatan noqotay xarunta ugu weyn ee siyaasadda Koonfur Galbeed, iyadoo ay ku sugan yihiin siyaasiyiin, xildhibaano, iyo taageerayaal kala aragti duwan, kuwaas oo dhammaantood isugu yimid ka qeybgalka iyo saameynta doorashada. Ammaanka magaalada ayaa sidoo kale la adkeeyay, iyadoo la filayo isu soo baxyo, kulamo, iyo munaasabado la xiriira ololaha musharixiinta.

Doorashada Koonfur Galbeed oo dhaceysa 10ka bishan sida uu horey u sheegay guddiga doorashooyinka ayaa mar kasta ah mid si weyn isha loogu hayo, maadaama ay ka mid tahay maamulada ugu saameynta badan Soomaaliya, isla markaana door weyn ku leh isu dheellitirka siyaasadda federaalka.

Musharaxnimada Aadan Madoobe iyo dhaqdhaqaaqa taageerayaasha Cabdicasiis Laftagareen ayaa muujinaya in maalmaha soo socda ay noqon doonaan kuwo xasaasi ah oo go’aamin kara hoggaanka mustaqbalka ee Koonfur Galbeed.

WARARKII KALE

Cutubkii ugu horeeyey Ciidanka Masar oo ku soo wajahan Somalia

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in cutubkii ugu horreeyay...

Iran oo xoojisay awoodeeda Milateri, lana soo baxday hub cusub

Warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera ayaa baahisay warbixin...

Soomaali Mindi ku weeraray dad Yuhuud ah oo dacwad lagu soo oogay

Ciise Suleiman ayaa lagu soo oogay dacwad isku day...

Xiisad kacsan & diyaar garow dagaal oo laga dareemayo bariga Dhexe

Warbixino ay baahiyeen warbaahinta caalamiga ah sida Fox News ayaa muujinaya...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles