Ciidamada Puntland oo go’doomiyay burcad-badeed afduubtay markab

Ciidamada ammaanka xeebaha iyo booliska Puntland ayaa 48-dii saac ee la soo dhaafay qaaday howlgal culus oo ay dhanka berriga kaga go’doomiyeen kooxaha burcad-badeedda ah ee gacanta ku haya maraakiibta Honour 25 iyo MV Sward.

Ciidamada oo si aad ah u hubaysan ayaa diiday in wax sahay ah la gaarsiiyo kooxahaasi, sidoo kalena ka hortagay in gurmad hubaysan oo badda kaga yimaada uu ku biiro, tallaabadaas oo sababtay in burcad-badeeddu ay ka dhaqaaqaan goobihii ay horay ugu sugnaayeen.

Markabka Honour 25 oo lagu haystay xeebaha Banderbayla ayaa loo wareejiyay dhanka xeebaha gobolka Nugaal, iyadoo ciidamo ka tirsan Puntland ay kaga sugan yihiin dhanka berriga deegaanka Karmaal si ay u sii adkeeyaan cadaadiska.

Dhanka kale, markabka MV Sward oo lagu haystay xeebaha Garacad ayaa kooxdii haysatay ula dhaqaaqeen dhanka deegaanada Galmudug kadib markii ay cadaadis xooggan kala kulmeen ciidamada Puntland.

Intii uu socday howlgalka, hal askari ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay weerar ay kooxo doonayay inay fuulaan ku qaadeen ciidamada Puntland, xilli ay isku dayayeen inay jebiyaan go’doominta lagu hayo burcad-badeedda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles