Mucaaradka oo shuruud ku xiray ka qeyb galay shirka uu ku baaqay MW Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay mowqifkooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo ku xiray ka qeybgalka wadahadal kasta shuruudo adag oo la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in casuumaadda Madaxweynaha ee ku aaddan wadahadalka la qorsheeyay 10-ka May 2026, inay soo dhoweynayaan balse ku xiray shuruudo cad oo lagu xaqiijinayo daacadnimo siyaasadeed.

War qoraal ah oo ay soo saareen, Golaha ayaa sheegay in wadahadal lala galo dowladda Federaalka uu suurtagal noqon karo oo keliya haddii la muujiyo daacadnimo dhab ah, taasoo ay ku xireen laba qodob oo muhiim ah.

1- In la joojiyo dhammaan howlaha doorashooyinka, dhaqdhaqaaqyada dhaawacaya isku imaatinka & ajende kasta oo siyaasadda doorashooyinka la xariira, haddii niyadsami jirto. JowharRegional News

2- In la helo dhexdhexaadin madax banaan oo lagu kalsoon yahay, maadaama horey loogu fashilmay wareegyo dheer oo wada hadal oo qaatay 2dii sanno ee lasoo dhaafay.

Tani waxay ka dhigan tahay in dhinacyadu is fahamsan yihiin, haddana loo baahday dhinac kale oo 3aad oo ka madax banaan, wakiilada caalamiga ah & Odayaal dhaqan oo laysku raacsan yahay mid ay noqon doonto ayaa hadda dood ka jirtaa.

Golaha Mustaqbalka ayaa ku dhawaaqay in 15ka May ka dib ay qaadi doonaan talaabooyin dowladnimada dalka lagu badbaadinayo, oo aan la aqbali karin Firaaq dowladnimo & mid dastuuri ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles