Soomaaliya iyo Burkina Faso oo xoojinaya dagaalka ka dhanka ah Argagixisada

Dowladaha Somalia iyo Burkina Faso ayaa isku raacay in ay xoojiyaan iskaashiga dhinaca amniga iyo la dagaallanka argagixisada, kadib kulan muhiim ah oo ka dhacay magaalada Ouagadougou.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la kulmay Madaxweynaha Burkina Faso, Ibrahim Traoré, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada ciidamada iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Wasiir Fartaag ayaa Madaxweynaha Burkina Faso gaarsiiyay farriin rasmi ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud.

“Waxaan isla garannay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacyada is-weydaarsiga xogta sirdoonka, tababarrada iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Labada dowladood ayaa sheegay inay wadaagaan caqabado isku mid ah oo ku saabsan la dagaallanka argagixisada, taasoo sababtay in la dardargeliyo wada shaqeynta labada dhinac.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia

Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray...

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles