RW Xamsa oo la kulmay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah bin Salem Al-Nuaimi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Safiirka la-wadaagay dadaallada dowladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib-u-dhiska dalka iyo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan hirgalinta doorashooyin dadweyne oo ka qabsoonta dalka.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dawladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha horumarineed iyo garab istaagga midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey doorka ay ka qaadato dawladda Qatar, amniga iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Danjire Abdullah bin Salem, ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, qaabilaaddiisa, isaga oo xusay in dowladda Qatar ay garab taagantahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya midnimadeeda iyo wadajirkeeda iyo xoojinta iskaashiga buuxa ee ka dhexeeya labada dal.

WARARKII KALE

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

Soonaaliland oo durtay shirkii Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan

Danjiraha Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud,...

Sacuudiga oo war ka soo saaray sababta ay u weeraraan Xuutiyiinta

Milatariga Sacuudiga ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen goobaha Xuutiyiinta ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles