Shacabka Koofur Galbeed oo saaka doorasho u dareeray

Deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa saaka looga dareeray doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada, kuwaas oo loo arko kuwo taariikhi ah kadib in ka badan 58 sano oo aysan doorashooyin noocaan ah ka dhicin deegaanada maamulkaas.

Goobaha codbixinta ee laga furay 13 degmo ayaa waxaa si weyn ugu qulqulayay shacabka doonaya inay codkooda dhiibtaan, iyadoo la arkayay safaf dhaadheer oo ay sameynayeen dadweynaha ka qeyb qaadanaya doorashada.

Doorashada Golaha Wakiillada ayaa waxaa ku tartamaya 15 urur siyaasadeed iyo in ka badan 300 oo musharrax, halka doorashada goleyaasha deegaanka ay ku loolamayaan 18 urur siyaasadeed iyo in ka badan 1,200 oo musharrax.

Mas’uuliyiinta maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in doorashadani ay tahay tallaabo muhiim u ah hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed iyo in shacabka ay si toos ah uga qeyb qaataan aayaha siyaasadeed ee deegaanadooda.

Amniga goobaha codbixinta ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo badqabka codbixiyeyaasha iyo habsami u socodka doorashada.

Doorashadan ayaa indhaha siyaasadda Soomaaliya si weyn loogu hayaa, maadaama ay qeyb ka tahay dadaallada lagu hirgelinayo nidaamka qof iyo cod ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea inay ku xadgudbtay madaxbannaanideeda

Itoobiya ayaa ku eedaysay dalka deriska la ah ee...

Jubbaland oo ku dhawaaqday in si nabad ah loo soo afjaray xiisaddii Beledxaawo

Madaxtooyada Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in si nabad ah...

Weerar ku bilowday qaraxyo oo ka dhacay Hiiraan

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay tuulada Xaanshi Gadafar oo...

Jubbaland oo la wareegtay amniga Beledxaawo

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Baladxaawo, ciidamada Jubbaland...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Minnesota

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles