Sunday, May 10, 2026

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay Xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee si nabad ah saaka uga bilowday deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xaaladda magaalada Muqdisho iyo gogosha wadatashiga qaran ee ay dowladdu u fidisay siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka hadlay Doorashooyinka qofka iyo codka ah ee saakay looga dareeray deegaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo cabiraya ra’yigooda iyo cidda ay rabbaan in ay hoggaamiso, wuxuuna hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed oo taariikh iyo bog cusub u furay Soomaaliya.

“ 13-degmo oo ka ka mid ah Dowlad gobolleedkaas ayaa saakay waxay u dhaqaaqeen in ay codkooda dhiibtaan oo ay doortaan Dowladaha hoose iyo Koonsalada degmooyinka iyo wakiillada Dowlad goboleedka intaba, waxaa Illaah mahaddii ah saacaddan aan idin la hadlayo oo maalintii ay gebo-gebo joogto in wax dhibaato ah iyo wax culeysyo ah ama dhib ah oo dhacay aanay jirin, dadkana ilaa saakay safaf dhaadheer u taagan yihiin in ay codkooda dhiibtaan, dad waayeel, dad baahiyo gaarka ah qabo iyo dhallinyaro ay taagan yihiin oo ay codkooda dhiibanayaan,’’

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay hay’adaha amniga ee har iyo habeen u taagan in Ajendahaas xoriyadda iyo dimuqraadiyadda ah in ay ammaankiisa sugaan oo ilaaliyaan oo aan la carqaladeyn oo cadwoga Dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Khawaarijta iyo kuwa kalsoonida ka waayay shacabka hortaagan ee diidaya in la carqaladeeyo ayaa bogaadinaya iyaguna.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbaddiisa ku soo hadal qaaday magaalada Muqdisho iyo bannaanbaxyada rabshadaha watay ee siyaasiyiinta qaar ku owr-kacsanayeen shacabka, wuxuuna madaxweynaha su’aal geliyay sababta bannaanbaxa maanta loogu soo aaddiyay, iyadoo meelo ka mid ah dalka ay ka dhacayaan Doorashooyin toos ah iyo sababta loogu soo beegay iyadoo maanta Dowladda Federaalka ay ku baaqday shir hordhac ah oo wada-xaajood ah in la isugu yimaado.

‘’ Bannaabaxu, Bannaanbax niyad sami lagu soo abaabulay ma ahayn,bannaanbax Soomaaliya in lagu carqaladeeyo ayuu ahaa, Dowladduna inta ay fahantay ayay ogolaatay in bannaanbaxa la qabto, hase yeeshee nasiib-wanaag dadka Soomaaliyeed ayaa dhinacooda ka fahmay, marka waxaan leenahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed niyad samaan aan la nimaadno, ujeeddo toosan-na aan la nimaadno, Dowladda Soomaaliya waxay mas’uul ka tahay ilaalinta iyo horumarinta Dastuurka oo aan anigu ugu horeeyo, Dastuurka ayaa xaq u siinaya muwaadinta in uu ra’yigiisu cabiro, laakiin, taas macnaheedu ma ahan shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal fowdo, qas, ciidamo iyo hub ma ahan, muwaadinka waa xor bannaanbax inuu sameysto waa u xor,Dowladdu ma diiddana , waxayna balan qaadeysa in amnigiisu sugto, in aan la qasqashaadin,’’

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siyaasiyiinta hanka uga jiro hoggaanka Dalka ugu baaqay in ay la yimaadaan ra’yi siyaasadeed oo dadka ka gadmi kara, wuxuuna uga digay in ay kiciyaan xasaasiyaadka iyo caadifadda dadka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

DFS iyo Beesha Caalamka oo ka wadahadlay arrimaha amniga

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda  Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa...

DFS oo mucaaradka ku eedeysan inay abaabulayaan banaanbax rabshado wata

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay diidaneen dibadbax...

Shacabka Koofur Galbeed oo saaka doorasho u dareeray

Deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa saaka looga...

Mucaaradka oo aqbalay in Bannaanbaxa lagu qabto Garoonka Injineer Yariisow

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn aqbalay in bannaanbaxooda...

Waa sidee Saaka xaalka Muqdisho?

Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabareysatay, ciidamo badan oo...

Ruushka oo war ka soo saartay xiisada kala dhexeysa Ukraine

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu aaminsan yahay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles