Al-shabaab oo halis ku ah qorshaha dib u furista xadka Soomaaliya iyo Kenya

Wargeyska ka soo baxa dalka Kenya ee The Standard ayaa warbixin uu daabacay kaga hadlay walaaca sii kordhaya ee la xiriira qorshaha dib loogu furayo xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in qorshaha furista xadka uu kusoo aadayo xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo cakiran, taasoo keentay in saraakiil amni, siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal Kenyan ah ay muujiyaan cabsi la xiriirta in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’iideysan karto isu socodka cusub ee dadka iyo gaadiidka.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah masuuliyiinta Kenya ay ka walaacsan yihiin in dib u furista xadka ay sare u qaadi karto khataraha weerarrada gudaha Kenya, gaar ahaan gobollada Waqooyi Bari iyo magaalooyinka ku dhow xadka Soomaaliya.

Wargeyska ayaa sidoo kale warbixinta ku xusay in Kenya ay muddo dheer xirtay qeybo kamid ah xadka sababo la xiriiray amniga, kadib weerarro waaweyn oo Al-Shabaab ka geysatay gudaha Kenya sanadihii lasoo dhaafay, kuwaas oo ay kamid ahaayeen weerarradii ka dhacay magaalada Gaarisa iyo xarunta Westgate ee Nairobi.

Dhinaca kale, wargeyska ayaa tilmaamay in taageerayaasha qorshaha dib u furista xadka ay ku doodayaan in tallaabadan ay muhiim u tahay dhaqaalaha iyo xiriirka bulshada labada dal. Ganacsatada iyo shacabka ku nool deegaannada xadka ayaa la sheegay inay si weyn u taageersan yihiin furitaanka, iyagoo aaminsan in ay fududeyn doonto ganacsiga, isu socodka iyo iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Kenya.

Warbixinta ayaa sidoo kale taabatay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo la sheegay in xiisadaha siyaasadeed iyo arrimaha amniga ee ka jira dalka ay sii kordhinayaan walaaca ay qabaan hay’adaha amniga Kenya.

Warbixintan ayaa ku soo aadeysa xilli maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dhowr jeer weeraro iyo falal amni darro ka geysteen gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobollada xadka la leh Soomaaliya, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo saameynta amni ee ka dhalan karta dib u furista xadka labada dal

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles