Iiraan oo farriin digniin u dirtay Ingiriiska iyo Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in dalkiisu “uusan qorsheynayn” inuu ciidankiisa badda geeyo marin biyoodka Hormuz laakiin uu siin doono hawlgal nabad ilaalin ah “iyadoo lala kaashanayo Iiraan.

Sabtidii, Ciidamada Badda ee Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inay maraakiibtooda u dirayaan Bariga Dhexe, si ay uga qayb qaataan hawlgal caalami ah oo lagu ilaalinayo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee ka socda Gacanka Hormuz.

Raysal Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska iyo Madaxweynaha Faransiiska ayaa si wadajir ah u muujiyay taageerada ay u hayaan waxa loogu yeero howlgalka caalamiga ah.

Axadda, wasiirada difaaca ee ka kala socda in ka badan 40 waddan ayaa la filayaa inay kulmaan, si ay uga wada hadlaan qorshayaasha hawlgal ay hoggaaminayso UK si loo ilaaliyo marin biyoodka Hormuz.

Tehran ayaa gebi ahaanba xirtay dhuumaha shidaalka qaada shan meelood meel ka mid ah shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee adduunka, tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay dagaal bilaabeen 28-kii Nofeembar,

Afhayeenka militariga Iiraan, Mohammad Akraminia, ayaa ka digay in “tallaabo adag” laga qaadi doono maraakiibta mara marin biyoodka Hormuz, haddii aysan marka hore la shaqeyn Iiraan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea inay ku xadgudbtay madaxbannaanideeda

Itoobiya ayaa ku eedaysay dalka deriska la ah ee...

Jubbaland oo ku dhawaaqday in si nabad ah loo soo afjaray xiisaddii Beledxaawo

Madaxtooyada Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in si nabad ah...

Weerar ku bilowday qaraxyo oo ka dhacay Hiiraan

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay tuulada Xaanshi Gadafar oo...

Jubbaland oo la wareegtay amniga Beledxaawo

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Baladxaawo, ciidamada Jubbaland...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Minnesota

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles