Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya,Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb galay kulanka heer wasiir ah oo looga hadlayay dib u habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo isticmaalka awoodda diidmada qayaxan ee loo yaqaano (Veto), intii uu socday Shir madaxeedka Africa Forward ee ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinayay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyo diblomaasiyiin kale oo sar sare.

Dowladda Soomaaliya ayaa markale caddeysay taageeradeeda ku aaddan dib u habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si loo helo matalaad juqraafiyeed oo cadaalad ah, isla markaana loo xoojiyo codka dalalka soo koraya, gaar ahaan kuwa Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea inay ku xadgudbtay madaxbannaanideeda

Itoobiya ayaa ku eedaysay dalka deriska la ah ee...

Jubbaland oo ku dhawaaqday in si nabad ah loo soo afjaray xiisaddii Beledxaawo

Madaxtooyada Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in si nabad ah...

Weerar ku bilowday qaraxyo oo ka dhacay Hiiraan

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay tuulada Xaanshi Gadafar oo...

Jubbaland oo la wareegtay amniga Beledxaawo

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Baladxaawo, ciidamada Jubbaland...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Minnesota

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles