MW Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo shir ku yeelanaya Xerada Xalane

Waxaa maanta la filayaa in gudaha xerada Xalane lagu qabto kulan xasaasi ah oo u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka, kaasi oo diiradda lagu saarayo geedi socodka doorashooyinka dalka iyo sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa khilaafaadka taagan.

Kulankan ayaa ka dhacaya xarun ku taalla gudaha Xalane, waxaana isku keenaya wakiillo caalami ah iyo dhexdhexaadiyayaal reer galbeed ah oo door weyn ka qaadanaya dadaallada lagu dejinayo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Dhinaca Dowladda Federaalka waxaa kulanka uga qeybgalaya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, halka Golaha Mustaqbalka ay matalayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee dalka, islamarkaana mucaaradka ay wadaan abaabullo siyaasadeed iyo bannaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda.

Indhaha siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda kusoo jeeda Xalane, iyadoo si weyn loo sugayo in kulankan uu horseedo is-afgarad cusub oo dhinacyada isku soo dhaweeya ama uu sii kordhiyo cadaadiska siyaasadeed ee taagan.

WARARKII KALE

Jubbaland oo ku dhawaaqday in si nabad ah loo soo afjaray xiisaddii Beledxaawo

Madaxtooyada Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in si nabad ah...

Weerar ku bilowday qaraxyo oo ka dhacay Hiiraan

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay tuulada Xaanshi Gadafar oo...

Jubbaland oo la wareegtay amniga Beledxaawo

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Baladxaawo, ciidamada Jubbaland...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Minnesota

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku...

Sagal Cabdiweli oo Soomaali ah oo ku guuleysatay kursigii Keir Starmer

Sagal Cabdiweli oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku nool...

Toogasho ka dhacday magaalada New York iyo warar dheeraad ah oo laga helayo

Sarkaal ka tirsan hay’adda Mareykanka u qaabilsan socdaalka iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles