Wednesday, May 13, 2026

Wadamada Khaliijka oo si adag u cambaareeyay muwaadin u dhashay Masar oo lagu afduubtay Soomaaliya

Dowladaha Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Jordan ayaa si adag u cambaareeyay afduubka markabka shidaalka ee M/T Eureka, kaas oo laga qafaashay biyaha caalamiga ah ee u dhow Yemen kadibna loo jiheeyay xeebaha Somalia.

War ay soo saareen Wasaaradahooda Arrimaha Dibadda ayay saddexda dal ku sheegeen in dhacdadani ay si cad uga hor imaaneyso sharciga caalamiga ah, isla markaana ay khatar weyn ku tahay amniga marinada badda iyo isu socodka ganacsiga caalamiga ah.

Dalalkan ayaa sidoo kale muujiyay taageero buuxda oo ay u hayaan Masar iyo qoysaska badmaaxiinta la afduubtay, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo xaqiijiyo ammaankooda loona sii daayo.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in la xoojiyo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeednimada iyo dambiyada abaabulan ee ka dhaca marinada badda ee muhiimka ah.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda markabka M/T Eureka, oo laga soo afduubtay biyaha Yemen laguna hayo xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdel Aaty ayaa faray safaaradda Masar ee Muqdisho inay si dhow ula socoto xaaladda sideedda badmaax ee Masar u dhashay, isla markaana ay sii waddo dadaallada lagu xaqiijinayo badqabkooda iyo sii deyntooda iyadoo lala xiriirayo mas’uuliyiinta Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hoggaamiyihii dhawaan xisbigiisu doorashadii deegaanka UK ku guulaystay oo baadhitaan wejahaya

Hoggaamiyaha xisbiga midigta fog ee Reform UK, Nigel Farage,...

Wararkii ugu dambeyay Shirkii ee madaxda Dowladda Dhexe iyo madaxda mucaaradka

Kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah ayaa maanta ka dhacay...

Maleeshiyaad ka tirsan AS oo lagu dilay G/Sh/Dhexe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee dowladda Soomaaliya, ayaa howlgal qorsheysan...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Baydhabo u tagay abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

MW Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo shir ku yeelanaya Xerada Xalane

Waxaa maanta la filayaa in gudaha xerada Xalane lagu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles