Dowladda Uk oo Muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska ayaa mar kale cusboonaysiisay digniinta safarka ee ay ka bixiso Soomaaliya, iyadoo muwaadiniinteeda uga digtay xaaladaha amni ee ka jira guud ahaan dalka iyo qaybo kamid ah Somaliland.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK (FCDO) ayaa lagu sheegay in dowladda Britain ay mamnuucday dhammaan safarrada lagu tagayo Soomaaliya, oo ay ku jiraan gobollada Togdheer, Sanaag iyo Sool, sababo la xiriira khataraha amni iyo weerarada ay geystaan kooxaha argagixisada.

Dowladda UK ayaa sheegtay in qof kasta oo go’aansada inuu sii joogo Soomaaliya looga baahan yahay inuu yeesho qorshe degdeg ah oo u gaar ah, maadaama aanu ku tiirsanaan karin taageero rasmi ah oo dowladda Britain ah haddii xaalad degdeg ah dhacdo.

Dhanka kale, dowladda Ingiriiska ayaa oggolaatay oo keliya safarrada muhiimka ah ee lagu tagayo gobollada galbeedka Somaliland ee Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil, oo ay ku jiraan magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Boorama.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab ay sii xoogeysteen, gaar ahaan deegaanada ku dhow magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, UK ayaa digniin gaar ah ka bixisay dabaal-degyada 18-ka May ee Somaliland, iyadoo sheegtay in maalmahaas ay kordhi karaan isu-soo-baxyada waaweyn, dhaq-dhaqaaqyada ciidamada amniga iyo rasaasta dabaal-degga ah ee laga rido magaalooyinka

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles