MW Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo maanta dood adag ka yeelanaya doorashooyinka

Waxaa maanta markale lagu wadaa in kulan xasaasi ah uu ka furmo xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, xubno ka socda siyaasiyiinta mucaaradka iyo sidoo kale wakiillo ka socda beesha caalamka.

Kulankan ayaa imaanaya kadib markii shirkii shalay ay yeesheen dhinacyada uu kusoo dhammaaday isfaham la’aan, iyadoo aan wax natiijo rasmi ah laga gaarin qodobadii ugu muhiimsanaa ee la isku hayay.

Dhinacyada ayaa maanta dood adag ka yeelan doona arrimaha doorashooyinka, iyadoo muranka ugu weyn uu ka taagan yahay nooca doorasho ee dalka lagu geli karo xilligan.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in aan la guda geli karin doorasho qof iyo cod ah iyadoo aan marka hore heshiis siyaasadeed oo qaran laga gaarin dastuurka, maamulka doorashooyinka iyo xaaladda amniga dalka.

Kulamada socda waxaa dhinaca mucaaradka uga qeybgalaya siyaasiyiin miisaan culus ku leh siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Labada mas’uul ayaa horey dhowr jeer uga digay in dalka loo horseedo qalalaase siyaasadeed haddii aan la helin hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

Sidoo kale, mucaaradka ayaa maanta miiska soo dhigi doona nooc doorasho oo ay doonayaan inay dalka ka dhacdo, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ku qanacsanayn dalabkaasi.

Madaxweynaha ayaa ku adkeysanaya in la sii wado qorshaha doorashooyinka qof iyo cod, taas oo mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada ay u arkaan arrin u baahan heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

Dhanka kale, wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan safiirrada Mareykanka iyo Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa si weyn ugu lug leh dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Wararka ayaa sheegaya in dalalka reer galbeedka ay dhinacyada ku cadaadinayaan inay gaaraan heshiis siyaasadeed kahor 15-ka May, oo ku beegan dhammaadka muddada xilheynta dowladda hadda jirta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles