Deni oo bixiyay xogta sababta ka dambeysay inuu fashilmo shirkii ka dhacay Xerada Xalane

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka hadlay shirkii natiijo la’aanta ku soo dhammaaday ee dhexmaray Golaha Mustaqbalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo ay garwadeen ka ahayd Beesha Caalamka, gaar ahaan Mareykanka iyo Ingiriiska.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Golaha Mustaqbalka ay wax badan ka tanaasuleen, hase ahaatee dhanka madaxweyne Xasan Sheekh ay wax walba ka socon waayeen.

Wuxuu xusay in safiirada Mareykanka iyo Ingiriiska ay maanta shirka oo socda isaga baxeen, markii ay arkeen in aan wax natiijo ah ka soo baxayn .

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh nin dalka burbur u horseedayo oo ay tahay in gacanta laga qabto.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkan ka jeediyay kulan ay Golaha Mustaqbalka qabteen oo lagu xusayay munaasabadda maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, kaas oo ka dhacay Hotel Jazeera ee Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles