Ciidamada Mareykanka iyo Nayjeeriya oo dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan IS

Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa xaqiijiyay dilka hoggaamiye sare oo ka tirsan Kooxda Daacish (IS) holwgal ay si wadajir ah u wada sameeyeen Mareykanka.

“Ciidamadeenna Qalabka Sida ee Nigeria ee go’aanka leh, oo si dhow ula shaqeynayay Ciidamada Qalabka Sida ee Mareykanka, ayaa sameeyay hawlgal wadajir ah oo geesinimo leh oo dhabar jab xooggan ku keenay ciidamada Dowladda Islaamiga ah,” ayuu Tinubu ku yiri hadal uu soo saaray.

Hawlgalkan waxaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo ku tilmaamay Abu-Bilal al-Minuki “hoggaamiyaha labaad ee ISIS adduunka oo dhan”.

Hawlgalkan waxaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo ku tilmaamay Abu-Bilal al-Minuki “hoggaamiyaha labaad ee ISIS adduunka oo dhan”.

Al-Minuki waxa Washington ku tilmaantay Argagixiso Caalami ah oo si gaar ah loogu aqoonsaday sannadkii 2023.

Dilkan ayaa calaamad u ah dib u dhac kale oo weyn oo soo gaaray kooxda Daacish (IS) ka dib dilkii hoggaamiyahooda Abu Bakr al-Baghdadi sanadkii 2019.

Isagoo ku qoray barta Bulshada ee Truth Social,, Trump wuxuu sheegay in howlgalka wadajirka ah ee Afrika “si aan cillad lahayn loo fuliyay… si loo tirtiro argagixisada ugu firfircoon adduunka”.

Tinubu ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Al-Manuki la dilay “isagoo la socday dhowr ka mid ah saraakiishiisa, intii lagu jiray weerar ka dhacay xaruntiisa oo ku taal Harada Chad”.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles