Madaxweyne Xasan Sheekh: Muddo Xileedka Dowladdayda wuxuu Ku eg yahay 15-ka May 2027

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii shalay ahayd Khudbad ka jeediyay munaasabad ku aadaneyd 15 May ayaa sheegay in waqti xileedka Baarlamaanka iyo Dowladda Soomaaliya ee madaxweynuhu ugu horeeyo “waxa u dhacayaa 15 May 2027”.

Xasan Sheeikh waxa uu sheegya in hay’addii sharciga u lahayd ay gaartay go’aankaas , taas oo macnaheedu yahay buu yiri shacbiga Soomaaliyeed ayaa gaaray, taas oo uu sheegay in ay tahay rabitaanka shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa difaacay isbeddellada dastuurka iyo qorshaha doorashooyinka qof iyo cod, isagoo sheegay in dowladda ay fulineyso ballanqaadyadii ay hore ugu sheegtay shacabka, sida dhameystirka dastuurka, hirgelinta xisbiyada siyaasadeed iyo ka guurista nidaamka doorashooyinka dadban.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dib u dhiska hay’adaha dowladda, xiriirka caalamiga ah iyo ka bixitaanka go’doomintii caalamiga ahayd, isagoo tusaale u soo qaatay ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dib u soo kabashada bangiga dhexe ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhaliilay siyaasiyiinta kasoo horjeeda nidaamka doorashada qof iyo codka, isagoo sheegay in qaar ka mid ah ay doonayaan in dalka lagu sii hayo nidaamkii hore ee 4.5 iyo doorashooyinka dadban, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo horseeday qalalaase iyo dhiig daata.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay dhegeysato aragtiyada mucaaradka iyo siyaasiyiinta kale, balse uu ku adkeystay in dastuurka la dhaqan geliyay uu yahay mid sharci ah oo dalka lagu maamulayo.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya iyadoo lagu kala tagay shir wadaxaajood oo u socday Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka kaas oo ay gar wadeen ka ahaayeen xubno ka tisran beesha caalamka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles