Q.M oo ku dhawaaqday in Soomaaliya ay gashay marxalad kala-guur ah

Qaramada Midoobey ayaa war ka soo saartay fashilkii ku yimid shirkii ka dhacay Xerada Xalane ee u dhexeeyay DFS iyo Mucaaradka.

“Kadib wadahalladii dhacay 13–15 May, UNTMIS waxay ku ammaanaysaa dhinacyada dib u bilaabista wadahadallada, waxayna ka mahadcelinaysaa dadaallada ay bixiyeen saaxiibbada caalamiga ah ee taageeray wadahadallada,Si kastaba ha ahaatee, waa wax laga xumaado in mar kale ay kulamadu kusoo dhammaadaan iyadoo aan xal loo helin khilaafaadkii taagnaa. Bahda QM waxay hoosta ka xarriiqaysaa sida ay dhinacyadu u muujiyeen ka go’naanshaha sii wadista wadahadalka iyo helidda xal wax ku ool ah.”

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay “Haddaba, iyadoo Soomaaliya ay gelayso xilli kala-guur ah, bahda UNTMIS waxay rajaynaysaa in, inta lagu jiro marxaladdan, Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaanta siiso la-tashiga dhammaan daneeyayaasha si la isugu raaco qaab-doorasho oo la fulin karo, dadkana midayn kara.”

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa intaasi lagu daray “Hawlgalka QM wuxuu kaloo ugu baaqayaa Soomaalida inay u midoobaan wax ka qabashada dhibaatada bini’aadantinimo ee ba’an ee dalka ka jirta iyo khatarta joogtada ah ee ay argagixisadu ku hayso Soomaaliya.”

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles