IGAD oo DFS Iyo Mucaaradka Ku Cadaadisey inay heshiis gaaraan

Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in la sii wado wadahadallada siyaasadeed ee Soomaaliya, kadib markii ay natiijo la’aan kusoo dhammaadeen kulamadii Muqdisho ku dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xoghaynta IGAD oo xarunteedu tahay magaalada Djibouti ayaa lagu sheegay in ururku uu si dhow ula socday wadatashiyadii dhacay intii u dhexeysay 13 illaa 15-ka May 2026.

IGAD ayaa soo dhaweysay wada-hadallada tooska ah ee dhex maray dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, waxayna ku boorrisay inay sii wadaan wada-xaajoodyada si xal looga gaaro arrimaha weli taagan, iyadoo loo marayo hannaan dhisaya kalsooni iyo wadajir.

Ururku wuxuu carrabka ku adkeeyay in wadahadal siyaasadeed oo joogto ah uu muhiim u yahay ilaalinta xasilloonida Soomaaliya, xoojinta dowlad-dhiska, iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Sidoo kale IGAD ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan xalal mideynaya shacabka, kor u qaadaya kalsoonida bulshada, isla markaana ilaalinaya mustaqbalka fog ee xasilloonida iyo horumarka hay’adaha dowladda.

IGAD waxay sheegtay inay si buuxda u taageersan tahay dadaallada ay Soomaalidu hoggaaminayaan ee lagu xaqiijinayo dowlad loo dhan yahay, nabad waarta iyo mustaqbal ammaan ah oo Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles