Wednesday, May 20, 2026

Dowladda oo Qorsheynaysa inay Joojiso Bannaanbaxa Mucaaradka ee 4-ta June

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho ayaa sii xoogeysanaysa, kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay billowday qorsheyaal amni oo lagu xakameynayo bannaanbax ay ku baaqeen siyaasiyiinta mucaaradka, kaasi oo loo qorsheeyay inuu qabsoomo 4-ta bisha June.

Ilo wareedyo amni ayaa sheegaya in dowladda ay heegan sare gelisay ciidamada ammaanka, iyadoo sidoo kale maamulada degmooyinka Muqdisho lagu amray inay ka hortagaan isku soo bax kasta oo mucaaradka ay qabanqaabiyaan. Dowladda ayaa bannaanbaxyadan u aragta kuwo khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida caasimadda.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa sheegay inay qaban doonaan bannaanbax nabadeed oo ay uga cabanayaan waxa ay ku tilmaameen caburin siyaasadeed, burburin guryo shacab iyo qorshe muddo kororsi ah oo loo sameynayo Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud.

Bishan gudaheeda, mucaaradka ayaa saddex jeer ku dhawaaqay bannaanbaxyo waaweyn, balse labo kamid ah ayaa fashilmay. Bannaanbaxii dhacay 10-kii May ayaa istaagay kadib markii ciidamada dowladda la dhigay afaafka hore ee guryaha qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, taas oo ka hor istaagtay inay kasoo baxaan guryahooda.

Sidoo kale bannaanbax kale oo loo qorsheeyay 16-kii May ayaa dib loo dhigay kadib wada-hadallo ka dhacay xerada Xalane oo dhex maray dowladda Federaalka iyo xubno kamid ah mucaaradka. Inkastoo aan heshiis rasmi ah laga gaarin kulamadaasi, haddana mucaaradka ayaa xilligaasi muujiyay inay fursad siinayaan wada-hadallada siyaasadeed.

Wararka hadda jira ayaa muujinaya in dowladda Federaalka ay sii waddo dadaallada ay ku fashilineyso bannaanbaxyada mucaaradka, iyadoo mudnaanta siinaysa sugidda ammaanka Muqdisho iyo ka hortagga isku dhacyo siyaasadeed.

Dhanka kale, mucaaradka ayaa wajahaya caqabado dhanka abaabulka iyo helitaanka taageero shacab oo ballaaran. Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegaya in mucaaradka uu horyaallo imtixaan adag oo lagu cabbirayo awooddooda siyaasadeed iyo saameynta ay ku leeyihiin shacabka Muqdisho.

Qaar kamid ah shacabka ayaa ka cabsi qaba in bannaanbaxyada siyaasadeed ay horseedi karaan xaalado amni darro, halka kuwo kalena ay aaminsan yihiin in bulshada ay ka daashay khilaafaadka siyaasadeed ee soo noqnoqday.

WARARKII KALE

Nigeria oo xirtay wasiir hore oo dhuumaaleysi ku jiray ka dib markii xukun musuqmaasuq lagu riday

Hay'adda la dagaallanka musuqmaasuqa ee Nigeria ayaa sheegtay inay...

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Wafdi Sare oo socda Mareykan Ah

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garoowe...

UK oo xaqiijisay taageerada Amniga Soomaaliya Kadib Kulan ka dhacay Muqdisho

Dowladda Ingiriiska ayaa markale muujisay taageeradeeda ku aaddan amniga...

Maxay ka wadahadleen RW Xamsa iyo Safiirka cusub ee Jabuuti?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa...

Jaamacadda Carabta oo ka digtay khatarta ka dhalan karta xiriirka Somaliland iyo Israel

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa si adag uga hadlay wararka...

Iran oo si adag ugu jawaabtay hadalka Trump

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa isagoo ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles