Maxay ka wadahadleen RW Xamsa iyo Safiirka cusub ee Jabuuti?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, kaas oo dhawaan warqadaha aqoonsiga danjirenimo uu ka guddoomay Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Danjiraha cusub ayaa Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo xusay in uu sii adkeeyn doono xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, kaas oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu hambalyeeyay Danjiraha cusub xilka loo soo igmaday, isaga oo u rajeeyay guul iyo in uu sii xoojiyo xiriirka labada dal. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay adkeynta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka la wadaagay hambalyo uu u dirayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, isaga oo u rajeeyay guul iyo in uu Eebbe u fududeeyo shaqada culus ee markale loo igmaday.

WARARKII KALE

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

Xuutiyiinta oo weerarro ku beegsaday garoomo diyaaradeed oo Sacuudiga ku yaalla

Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu qabtay oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles