DFS oo cambaareysay safaarada Soomaliland ay ka furanayso Qudus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay qorshe uu maamulka Somaliland ku sheegay inuu ku furayo waxa loogu yeeray safaarad magaalada Qudus, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaasi mid sharci-darro ah oo aan la aqbali karin.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya  ayaa lagu sheegay in qorshahaasi aanu lahayn wax sharciyad ama saameyn sharciyeed ah, islamarkaana uu meel ka dhac ku yahay mowqifka dalalka Carabta iyo caalamka Islaamka ee ku aaddan magaalada Qudus.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale markale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyadoo sheegtay inay si adag uga hortagayso tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Dowladdu waxay intaas ku dartay in tallaabooyinka noocaas ahi ay ka hor imaanayaan shuruucda caalamiga ah iyo go’aannada ay soo saareen hay’adaha heer gobol iyo kuwa caalami ah.

Somaliland ayaa shaacisay in ay qorshaynayso in ay safaaraddeeda ka furto magaalada Qudus oo ah dhulka reer Falastiin ee Israaiil xoogga ku haysato, halka Israa’iil ay sidoo kale sheegtay in ay ka furan doonto safaarad magaalada Hargeysa, sida uu sheegay danjiraha Somaliland ee Israa’iil, Maxamed Hagi.

Dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay tallaabooyinka ay ugu hortagayso xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliland iyo Israa’iil.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidanka NISA oo kala dhex galay Maleeshiyaad ku dagaalamay Gaalkacyo

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee...

RW Xamsa oo kulan la qaatay gudduga Qaran ee Maareynta Khataraha masiibooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre,...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta akhrinta koowaad maraiiyay heshiis muhiim u ah Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir...

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi oo weerar qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo weerar...

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles