Erdogan oo soo dhaweeyay kordhinta Xabad joojinta Iran iyo Mareykanka

Madaxweyneha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa soo dhoweeyay kordhinta xabbad-joojinta u dhexeysa dowladda Maraykanka iyo Iran intii lagu jiray wada-hadal telefoon oo uu la yeeshay dhiggiisa Donald Trump maalintii Arbacada, isaga oo sheegay inuu rumeysan yahay in “arrimaha muranka ka taagan labada dhinac la xallin karo.”

Madaxtooyada Turkiga ayaa bayaan ku sheegtay in intii lagu jiray wada-hadalkaas, Madaxweyne Erdoğan uu sheegay inuu u arko go’aanka lagu kordhiyay xabbad-joojinta ka jirta gobolka inuu yahay horumar wanaagsan, isla markaana uu “aaminsan yahay in xal macquul ah laga gaari karo arrimaha lagu muransan yahay.”

Saacado ka hor, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Saudi Arabia ayaa sheegay in dalkiisu uu qadarinayo go’aanka Donald Trump ee ah in waqti dheeraad ah la siiyo wada-xaajoodyada lala leeyahay Iran si heshiis loo gaaro.

Trump ayaa horaantii toddobaadkan sheegay in Saudi Arabia, Imaaraatka iyo Qatar ay ka codsadeen inuu dib u dhigo weerar uu Mareykanku qorsheynayay inuu ku qaado Iran si waqti dheeraad ah loogu helo wada-xaajoodka.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Mareykanka ayaa Arbacadii sheegay in wada-xaajoodyada lala leeyahay Iran ay marayaan heerarkoodii ugu dambeeyay, balse wuxuu ka digay in weerarro kale la qaadi doono haddii Tehran aysan oggolaan heshiiska.

Lix toddobaad kadib markii uu joojiyay howlgalka “Operation Epic Fury” si loo hirgeliyo xabbad-joojin, wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka waxay sameeyeen horumar aad u yar.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles