Thursday, May 21, 2026

Dad shacab ah oo lagu laayay duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan Tuulada Kanjaroon ee Gobolkaasi.

Duqeynta ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, sida uu xaqiijiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay Warbaahinta

Xildhibaanka ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay dad shacab ah oo ay ku jiraan carruur, haween iyo dad waayeel ah, isagoo ugu baaqay maamulka Jubbaland, dowladda iyo hay’adaha ay khuseyso in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo sababta keentay khasaaraha shacabka.

Dadka la xaqiijiyay inay ku dhinteen duqeynta ayaa waxaa ka mid ah Axmed Salaad Xasan oo 45 jir ahaa, Cismaan Axmed Salaad oo 17 jir ahaa, Jecela Axmed Salaad oo 14 jir ahayd, Hamdi Axmed Salaad oo 12 jir ahayd, Habibo Cismaan Maxamuud oo 95 jir ahayd, Bishaara Ibraahim Cismaan oo 39 jir ahayd iyo Cabdow Cismaan Cumar oo 36 jir ahaa.

Sidoo kale waxaa dhaawac ku soo gaaray Maxamed Axmed Salaad, halka carruur kale oo ka badbaaday weerarka ay ku jiraan Fican Axmed Salaad oo 10 jir ah, Ladan Axmed Salaad oo 8 jir ah, Faadumo Axmed Salaad oo 6 jir ah, Aadan Axmed Salaad oo 4 jir ah iyo Cabdiraxiin Axmed Salaad oo hal sano jir ah.

Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland, dowladda Soomaaliya iyo Hay’addaha ammaank si ay faahfaahin ugu bixiyaan sida ay wax u dhaceen.

Duqeyntan ayaa cabsi iyo murugo xooggan ka abuurtay dadka deegaanka Kanjaroon iyo guud ahaan Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo shacabka deegaanka ay dalbanayaan in la ogaado cidda ka dambeysay weerarka iyo sababta shacabka loo beegsaday.

Inta badan duqeymaha ay fuliyaan saaxibada taageera Soomaaliya ayaa waxaa uu khasaaro ka soo gaaraa dadka Rayidka ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen MW Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Jaamacadda Carabta?

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Shirka Golaha wasiirada KGS oo looga hadlay arrimaha amniga

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koofur Galbeed...

Masar oo cambaaraysay furashada waxa loogu yeeray safaaradda Somaliland ee Qudus

Waxaa isa soo taraya cambaareynta iyo diidmada caalamiga ah...

MW Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu doonayaa inuu xoog ku sii Joogo kursiga

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka...

Erdogan oo soo dhaweeyay kordhinta Xabad joojinta Iran iyo Mareykanka

Madaxweyneha Turkiga Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa soo dhoweeyay kordhinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles