Booliska Puntland Oo Digniin Culus Ka Soo Saaray Khatarta Roobka Gu’ga iyo Waddooyinka Gobolka

Ciidanka Booliska Puntland ayaa shacabka uga digay khataraha ka dhalan kara roobabka Gu’ga ee ka curtay deegaannada Puntland, iyagoo si gaar ah uga digay safarrada lagu maro waddooyinka waaweyn ee ay ku yaallaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saareen Laanta Ilaalada Waddooyinka ee Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in biyaha roobku ay halis ku yihiin badbaadada darawallada, rakaabka iyo hantida, iyadoo shacabka lagu booriyay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah inta lagu jiro xilliga roobabka.

Booliska Puntland ayaa darawallada ku adkeeyay inay ka fogaadaan isku dayga ka gudubka togagga iyo buundooyinka ay biyuhu qariyeen ama ka buuxaan, maadaama ay keeni karaan shilal iyo khasaaro naf iyo maalba leh.

Sidoo kale, dadka ku nool meelaha u dhow togagga iyo biyo-mareennada ayaa lagu wargeliyay inay si dhow ula socdaan xaaladda biyaha, isla markaana ay ilaaliyaan carruurta, waayeelka iyo xoolaha si looga hortago dhibaatooyin ka dhasha fatahaadaha.

Booliska Puntland ayaa ugu dambeyn shacabka ugu baaqay inay si buuxda u raacaan tilmaamaha ciidamada ammaanka ee ku sugan waddooyinka, si loo xaqiijiyo badbaadada guud ee bulshada inta lagu jiro xilliga roobabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hoggaamiyaha sare ee Iiran Mojtaba Khamenei oo amar bixiyey ka dib kulan dhacay

Bogga rasmiga ah ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Jamhuuriyadda...

Q.M oo maanta soo xirtay xafiiskeedii siyaasadeed ee Soomaaliya kaddib 13 sano

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026...

Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub iyo amar culus oo la dul dhigay

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada...

DFS oo xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Jameeco

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo...

Uganda oo ciidamadeeda ka saartay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay 72-kii saac ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles