Monday, June 1, 2026

Masar Oo Soomaaliya Ka Dalbatay In La Sii Daayo Badmaaxiin Masaari Ah Oo Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, iyagoo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, amniga gobolka iyo xoojinta xiriirka labada dal, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar.

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada Koonfureed, intii lagu guda jiray shirarka wasiirrada ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Kuuriya.

Sida lagu sheegay bayaanka, wasiir Abdelatty ayaa adkeeyay in Masar ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, ganacsiga iyo amniga. Wuxuu xusay in xiriirka labada dal uu ku saleysan yahay taariikh dheer iyo dano istaraatiiji ah oo ay wadaagaan.

Masar ayaa sidoo kale ku baaqday in la dedejiyo dadaallada lagu sii deynayo badmaaxiin Masaari ah oo lagu afduubtay biyaha Soomaaliya u dhow, iyadoo muujisay muhiimadda ay leedahay badqabkooda iyo dib ugu laabashadooda dalkooda.

Bayaanka ayaa tilmaamay in Qaahira ay markale caddeysay taageeradeeda madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay ka soo horjeeddo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimi karta qaranimada dalka.

Masar ayaa sidoo kale cambaareysay tallaabada maamulka Somaliland uu ku furay xafiis uu ugu yeeray “safaarad” magaalada Qudus, iyadoo ku tilmaantay arrin aan sharciyad waafaqsanayn isla markaana ka hor imaanaysa xeerarka caalamiga ah iyo go’aannada la xiriira xaaladda magaaladaas.

Dhanka kale, wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista taageerada beesha caalamka ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, isaga oo ku baaqay in la helo maalgelin waarta oo ku filan si howlgalkaasi u fuliyo waajibaadkiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa dhankiisa warbixin ka bixiyay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka, iyo dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso hay’adaha dowliga ah iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.

Sidoo kale, wuxuu uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in Muqdisho ay danaynayso sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Masar ay sanadihii u dambeeyay kordhinaysay doorkeeda diblomaasiyadeed iyo midka amni ee Soomaaliya, iyadoo labada waddan ay yeesheen iskaashi sii xoogeysanaya oo ku saabsan amniga Geeska Afrika iyo arrimaha Badda Cas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran oo joojisay wadahadalada ay kula jirtay Mareykanka

Wakaaladda wararka ee Tasnim ayaa ilo ku dhow dowladda...

Mareykanka oo ka digtay rabshado ka dhaca Muqdisho iyo fariin loo diray Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada...

Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Dib u celisay Kiiska Sacdiyo “Bajaaj”

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dib ugu celisay Xafiiska Xeer...

Beesha Caalamka oo walaac ka Muujisay Xiisadda Siyaasadeed ee Soomaaliya, Baaqna u dirtay Hoggaamiyeyaasha Dalka

Beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda siyaasadeed...

Uganda Oo Ciidamo Cusub u soo direysa Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa shaacisay inay Soomaaliya u soo direyso...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles