Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta ABC ku sheegay inuu rumeysan yahay in heshiiska lala gaarayo Iraan, kaas oo lagu kordhinayo xabbad-joojinta laguna furayo marinka badda ee Strait of Hormuz la saxiixi doono “toddobaadka soo socda gudahiisa”.
“Arrimuhu si fiican ayay u socdaan, aad bayna u wanaagsan yihiin,” ayuu ku yiri wareysi taleefan oo uu la yeeshay weriyaha Washington u jooga ABC ee, Jonathan Karl.
Trump wuxuu intaas ku daray: “dhibaato yar ayaa jirtay maanta, sida aad la socotana si degdeg ah ayaan u xalliyey.”
Sida uu sheegay Madaxweynaha Maraykanku dhibaatadan waxay ka dhalatay sida Iraan uga carootay weerarrada Israa’iil ku qaaday Lubnaan.
Madaxweynuhu wuxuu yiri: “Waxaan la hadlay Xisbullah, waxaanan ku iri ha ridina rasaas Waxaan la hadlay Bibi (oo uu kala jeedo Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu) waxaanan ku iri ha ridina rasaas. Labada dhinacba way joojiyeen duqeymihii”.
“Arrintani ma aha mid sahlan,” ayuu raaciyay. “Waxaad ka hadlayso waa dal aad u weyn oo doonaya inuu heshiis gaaro, waxaana jira nacayb iyo colaad qoto dheer, sidaas darteed kuwo fudud maaha. Sidoo kale annagana nooma fududa, laakiin waxaan helaynaa waxa aan u baahanahay.”
Isagoo ka hadlayay dhammeystirka iyo saxiixa is-afgaradka la xiriira furitaanka Marinka Hormuz, wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa in arrintaas la dhammaystiri doono toddobaadka soo socda.”
Trump sidoo kale wuxuu sheegay inuusan weli si rasmi ah u aqbalin heshiiska, maadaama sida uu hadalka u dhigay, “wali ay jiraan dhowr arrimood oo kale oo ay tahay in ay ku heshiiyaan”.


