Tuesday, June 2, 2026

Shariif oo u guuray Mirinaayo iyo abaabulka Banaanbaxa Mucaaradka oo socda

Muqdisho waxaa ka socda diyaargarow xooggan oo ay wadaan madasha samatabixinta Soomaaliya, kuwaas oo qorsheynaya bannaanbax ballaaran oo lagu wado inuu saameyn ku yeesho xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo laga cabsi qabo xiisad amni iyo isku dhac siyaasadeed oo kordha.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in diyaargarowgii ugu dambeeyay uu ka socdo xarumo cusub oo ay mucaaradku ka sameysteen bannaanka caasimadda, halkaas oo lagu abaabulayo kulamo iyo istiraatiijiyad la xiriirta sida bannaanbaxu u dhici doono.

Sharif Sheikh Ahmed ayaa la sheegay inuu u wareegay xarun cusub oo uu ka sameystay deegaanka Mirnaayo, taasoo qeyb ka ah isku dubbaridka siyaasadeed ee mucaaradka, iyadoo hoggaamiyeyaasha kale ee mucaaradkuna ay wadaan kulamo xasaasi ah.

Mucaaradku waxay galabta yeelanayaan shir muhiim ah oo diiradda lagu saarayo:

Qaabka uu u dhici doono bannaanbaxa

Amniga iyo waddooyinka la xiri kara

Jawaabta laga bixin doono haddii la hor istaago isu imaatinka

Ilo ku dhow dhinacyada mucaaradka ayaa sheegaya in aysan qorsheynayn inay ka laabtaan bannaanbaxa, xitaa haddii ay la kulmaan xannibaado ama cadaadis amni, iyagoo ku doodaya in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay u baahan tahay “sixitaan dastuuri ah”.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda hore u sheegtay in hay’adaha dastuuriga ah ay si sharci ah u shaqeynayaan ilaa doorashooyin cusub laga gaarayo, taasoo sii kordhisay is mari-waaga siyaasadeed.

Saacadaha iyo maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan halka uu xaaladdu ku dambeyn doono, iyadoo indhaha si weyn loogu hayo Muqdisho iyo dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee sii xoogeysanaya.

WARARKII KALE

Hay’adda SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo ka wada shaqaynaya xoojinta hawlaha samafalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) mudane Maxamuud...

Israa’iil oo sheegtay inay hawadeeda ku qabatay Gantaal laga soo tuuray Lubnaan

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in subaxnimadii Talaadada ay hawada...

Maraykanka oo Xaqiijiyay Midnimada Soomaaliya, Somaliland-na u arkay Saaxiib Istaraatiiji ah

Dowladda Maraykanka ayaa warbixin ay u gudbisay Kongareeska ku...

Sheekh Shariif oo weerar afka ah ku qaaday Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa...

Trump oo shaaciyay waqtiga la dhameystiri doono heshiiska Iran iyo Mareykanka

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles