Hay’adda SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo ka wada shaqaynaya xoojinta hawlaha samafalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway, ayaa guddoomiyay kulanka billaha ah oo lagu falanqeeyo xaaladaha bani’aadannimada dalka.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Madaxda OCHA iyo SoDMA waxaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee bani’aadannimo ee ka jira dalka, iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada gargaarka si wax looga qabto baahiyaha bulshada nugul.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xusay muhiimadda uu kulankani u leeyahay isku-duwidda iyo dardargelinta howlaha bani’aadannimo ee dalka, isagoo adkeeyay baahida loo qabo iskaashi joogto ah si loo gaarsiiyo gargaar wax ku ool ah dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka kala duwan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hoggaamiyaha sare ee Iiran Mojtaba Khamenei oo amar bixiyey ka dib kulan dhacay

Bogga rasmiga ah ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Jamhuuriyadda...

Q.M oo maanta soo xirtay xafiiskeedii siyaasadeed ee Soomaaliya kaddib 13 sano

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026...

Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub iyo amar culus oo la dul dhigay

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada...

DFS oo xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Jameeco

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo...

Uganda oo ciidamadeeda ka saartay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay 72-kii saac ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles