Iiraan iyo Israa’iil ayaa sheegay inay joojiyeen weerarradii ay isku qaadayeen

Iiraan iyo Israa’iil ayaa sheegay inay joojiyeen weerarradii ay isku qaadayeen, ka dib markii labada dal ay is rasaaseeyeen markii ugu horreysay tan iyo markii la gaaray xabad joojintii bishii Abriil.

Fariin codeed lagu daabacay wakaaladaha wararka rasmiga ah Isniintii, Mohammed Baqer Qalibaf, afhayeenka baarlamanka Iiraan ayaa ku tilmaamay weerarkii habeenimadii Axada ee duqaymaha ay iyagu gaysteen gabi ahaanba kuwo lagu qiimeeyay inay ahaayeen lagama maarmaa oo ay guulaysteen.

Farriinta codka oo qoraal ahaan ay daabacday wakaalada wararka IRNA ayuu ku yiri Qalibaf, ‘’Haddii aynu ku tixgalino diblomaasiayada wadahadalada kali ah ee qolalka xiran iyo diblomaasiyada qosolka, weeynu ku guul daraysan lahayn bilowgiiba, haddii aynu ku tiirsanaan lahayn dagaal iyo howlgalo militari oo kali ah, ma aynaan awoodneen in aynu si buuxda u difaacno xuquuqdeena’’.

Qalibaf oo hoggaaminayay wafdiga wadahadalada Iiraan iyo Maraykanka ee Pakistan iyo safarkiisii u dambeeyay ee Qatar uu u raacay Abbas Araqchi, ayuu ku yiri fikradiisa: ‘’Dhacdadii Lubnaan waxay muujinaysaa in fagaaraha diblomaasiyada oo uu la socda midka milatari ay dhinac u riixi karaan Israa’iil iyo cadowyada. Diblomaasiyada kama hortagto howlgalada milatari, sidoo kalana howlgalada milatari kama hortagaan diblomaasiyada.

WARARKII KALE

Mareykanka oo duqeeyay maraakiibta shidaalka ee Iran

Ciidamada Maraykanka ayaa weeraray shan markab oo nooca qaada...

Ilaalada Kacaanka Iran oo sheegatay inay weerartay Maraakiib

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegtay in ciidamada badda ee...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ururka Qareennada Soomaaliyeed oo ka horyimid Habraac lagu Nidaaminayo Mihnadda Qareennimada

Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga horyimid...

Dowladda Soomaaliya oo saraakiil iyo Ciidamo dheeraad ah geysay Baydhabo

Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo geysay saraakiil iyo ciidamo...

Deni“Heshiis kasta oo naga dhexeeyey Federaalka waa la laalay”

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay go’aan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles