Wednesday, July 2, 2025

Suuriya oo dooneysa in ay iskaashi la yeelato Imaaraadka, Qatar iyo Urdun

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Asaad Xasan Al-Shaibaani, ayaa ku dhawaaqay inuu booqan doono dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Urdun, isagoo dhawaan safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah dhowaan ku tagay dalka Sucuudiga.

Wasiirka ayaa bartiisa bulshada ku sheegay in  uu booqan doono saddexda waddan toddobaadkaan si loo taageero xasilloonida, amniga, soo kabashada dhaqaalaha iyo dhisidda iskaashi ay la yeeshaan dalalkaasi.

Xukuumadda cusub ayaa u hanqal taageysa  inay maal-gashi ka helaan waddamada Khaliijka ee hodanka ah si ay gacan uga geystaan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqaalaha  oo ku burburay dagaaladii ka jiray dalkaasi muddo toban sano ah.

Sacuudi Carabiya oo todobaadkii hore uu booqdy wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa durba u muuqata mid door weyn ka qaadaneysa dib u soo nooleynta dalkaasi,gaar ahaan arrimaha bini;aadanimada iyo dib u dhiska dalka.

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen RW ku xigeenka Soomaaliya iyo Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Q.M?

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed...

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Fekon-ta oo Banaanbax ka dhigaya Isgoyska KM4 ee Muqdisho

Waxaa maanta isgoyska muhiimka ah ee KM4 ee magaalada...

DF oo war ka soo saartay diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed,  Axmed Macallin...

Diyaarad Milateri oo ku dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Dhawaqa xooggan ee laga maqlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa...

MW Xasan Sheekh “Waxaan diyaar u nahay in miiska la isugu yimaado si daacadnimo iyo kalgacal ku dhisan’

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si rasmi...

Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa

Israa’iil ayaa oggolaatay “shuruudaha lagama maarmaanka ah” si loo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles