Sunday, July 5, 2026

AUN Fanaankii C/llaahi Boqol oo ku geeriyooday Muqdisho

Alle ha u naxariistee fannaankii caanka ahaa Cabdillaahi Maxamed Cabdulle, oo ku magac dheeraa Cabdillaahi Boqol, ayaa ku geeriyooday dalka Canada, sida lagu xaqiijiyay warar iyo tacsi rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Marxuum Cabdillaahi Boqol oo ka mid ahaa hoobaladii Soomaaliyeed ee ku noolaa dalka Canada, ayaa lagu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay dib u nooleynta fanka Soomaaliyeed, isagoo ka mid ahaa fanaaniintii sida weyn uga dhex muuqday suugaanta, heesaha iyo wacyigelinta bulshada.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/fitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha waaxyaha iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka.

Qoraalka tacsida ah ee Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Cabdillaahi Boqol uu ka tirsanaa fanaaniinta Soomaaliyeed ee ugu caansan, isla markaana door muuqda ku lahaa wacyigelinta iyo baraarujinta bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya C/fitaax Qaasim Maxamuud ayaa Alle uga baryay marxuumka naxariis iyo janno, halka ehelka, qoyska iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu uga baryay sabar iyo iimaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha hirshabelle iyo wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray baydhabo

Wafdiga madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa galabta...

Puntland oo ka digtay in Turkiga ay mashaariic ka fuliyeen deeganadooda

Maamulka Puntland ayaa war uu soo saaray ku caddeeyay...

Wasiir Fiqi iyo Saraakiil ciidan oo tagay Ceeldheer

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi,...

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag u eedeeyay MW Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha PSF

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles