AUN Fanaankii C/llaahi Boqol oo ku geeriyooday Muqdisho

Alle ha u naxariistee fannaankii caanka ahaa Cabdillaahi Maxamed Cabdulle, oo ku magac dheeraa Cabdillaahi Boqol, ayaa ku geeriyooday dalka Canada, sida lagu xaqiijiyay warar iyo tacsi rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Marxuum Cabdillaahi Boqol oo ka mid ahaa hoobaladii Soomaaliyeed ee ku noolaa dalka Canada, ayaa lagu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay dib u nooleynta fanka Soomaaliyeed, isagoo ka mid ahaa fanaaniintii sida weyn uga dhex muuqday suugaanta, heesaha iyo wacyigelinta bulshada.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/fitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha waaxyaha iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka.

Qoraalka tacsida ah ee Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Cabdillaahi Boqol uu ka tirsanaa fanaaniinta Soomaaliyeed ee ugu caansan, isla markaana door muuqda ku lahaa wacyigelinta iyo baraarujinta bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya C/fitaax Qaasim Maxamuud ayaa Alle uga baryay marxuumka naxariis iyo janno, halka ehelka, qoyska iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu uga baryay sabar iyo iimaan.

WARARKII KALE

Katz : Israel ma qorsheyneyso in ay weerarto Iran ka hor dorashada

Wasiirka difaaca Isreal Israel Katz ayaa maanta oo isniin...

Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho

Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku...

Xasan Sheekh oo mucaaradka ugu yeeray gogol wadahadal oo Muqdisho ka furmaysa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah...

Firdhiye iyo Abwaan oo heshiis ka gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye,...

Xasan Sheekh oo gogol wada-hadal u fidiyay mucaaradka, cadaadiskii siyaasadeed oo mira dhalaya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale gogol...

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday natiijo toddobaadyo la sugayey

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee dowladda Federalka Soomaaliya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles