Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU), Mudane Mahmoud Ali Youssouf, ayaa hadal uu ka jeediyay kulan aan rasmi ahayn oo ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC), kaas oo looga hadlayay mustaqbalka Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Guddoomiyaha ayaa sheegay in mustaqbalka howlgalka AUSSOM ay tahay in lagu saleeyo ujeeddooyin istaraatiiji ah oo cad, si loo xaqiijiyo in howlgalka uu sii ahaado mid wax ku ool ah oo ka jawaabi kara baahiyaha amniga Soomaaliya.
Mahmoud Ali Youssouf ayaa ku baaqay in la xoojiyo taageerada loo fidinayo AUSSOM, si loo adkeeyo doorka Afrika ee nabadda iyo amniga qaaradda, loona horumariyo maalgelin waarta oo lagu taageero howl-gallada nabad ilaalinta ee ay Afrika hoggaamineyso.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in la dhowro naf-hurnimada dalalka ciidamadooda ku biiriya howlgalka (TCCs), isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo guulihii laga gaaray Soomaaliya iyadoo la helayo howlgal waara, la jaanqaadi kara xaaladaha is beddelaya, isla markaana leh awood uu ku fuliyo waajibaadkiisa.
Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in la dedejiyo howlgelinta Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika (AU Peace Fund), hirgelinta canshuurta boqolkiiba 0.2 ee la qorsheeyay, iyo in la kordhiyo tabarucaadka ay bixiyaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.
Kulanka ayaa waxaa guddoominayay Jamhuuriyadda Uganda, oo ah dalka haya hoggaanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika inta lagu jiro bisha Luulyo.
Howlgalka AUSSOM ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga iyo xasilinta, iyadoo dalalka Afrika ay door weyn ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan iyo taageeridda dowladnimada Soomaaliya.


