Saturday, July 11, 2026

Goobaha ganacsiga Boosaaso oo maanta xiran iyo xiisad culus oo taagan

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in goobaha ganacsiga ee magaaladaasi ay maanta oo Sabti ah albaabada isugu laabeen, kaddib markii uu sii socdo xirnaanshaha Dekedda Boosaaso oo maalintii 11-aad xiran.

Ganacsatada magaalada ayaa tallaabadan qaaday kaddib markii ay ka biyo diideen khidmad cusub oo ay soo rogtay shirkadda maamusha Dekedda Boosaaso ee DP World, taas oo ay sheegeen inay saameyn ku yeelanayso ganacsiga iyo dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee Puntland. 

Xirnaanshaha dekedda ayaa saameyn weyn ku yeeshay isu socodka badeecooyinka, iyadoo Boosaaso ay tahay dekedda ugu weyn ee ganacsiga Puntland, lagana soo dejiyo raashinka, shidaalka, dawooyinka, qalabka dhismaha iyo badeecooyin kale oo muhiim ah.

Waxaa dekedda ku xayiran boqolaal gaadiid xamuul ah, halka maraakiibta qaar ay dib u dhac kala kulmayaan dejinta iyo rarista shixnadahooda.

Sidoo kale waxaa jira walaac laga qabo in haddii xaaladdu sii socoto ay kor u kici karaan qiimaha badeecooyinka iyo maciishadda.

Dowladda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaan weli si rasmi ah uga hadlin muddada dheer ee ay dekeddu u xiran tahay iyo xalinta khilaafka ka dhashay khidmadaha cusub.

Dhanka kale, magaalada Boosaaso waxaa laga dareemayaa qabanqaabada mudaharaadyo looga soo horjeedo canshuurta cusub ee lagu soo rogay gaadiidka iyo badeecadaha ka soo dega dekedda.

WARARKII KALE

Dabka ka kacay duurka Spain oo dilay 12 qof

Dab aad u weyn oo ka kacay koonfur-bari Spain...

RW Xamse Cabdi Barre oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Mucaaradka oo shaaciyay labo qodob ee weli la isku hayo wadahadallada siyaasadeed ka socda Muqdisho

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha...

Shariif Sheekh oo DF ku eedeeyay in hubka Qaranka loo adeegsado siyaasadda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay...

DFS oo xirtay askar lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen Calanka Mareykanka

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in la xiray shaqsiyaad...

Trump oo ka walaacsan in Iran ay disho iyo waxa dhici kara

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa u hanjabay dowladda Iran,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles