Ciidamada ammaanka oo Muqdisho ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley, kaas oo lagu bartilmaameedsaday laba xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa lagu dilay hal xubin oo ka tirsaneyd Al-Shabaab, halka xubintii kale lagu dhaawacay. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaana uusan wax khasaare ah soo gaarin ciidamada dowladda.

Dhanka kale, ciidamada amniga oo ku jiray heegan sare ayaa sidoo kale xalay fashiliyay isku day ay Al-Shabaab ku doonaysay inay weerar ama fal amni-darro ah ka geysato xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Baladweyne.

Ciidamada ayaa halkaasi ku dilay hal xubin oo ka tirsaneyd Al-Shabaab, halka xubin kale oo kooxda ka tirsanaa lagu qabtay isagoo nool.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada ay hay’adaha amniga Soomaaliya ku baacsanayaan xubnaha Al-Shabaab ee isku dayaya inay fuliyaan falal amni-darro ah, iyadoo ilaa iyo hadda Al-Shabaab aysan wax war ah ka soo saarin sheegashada dowladda ee ku aaddan howllgalladan.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles