Iran oo ku dhawaaqay weerar ay ku qaaday saldhigga Mareykanka ee Bahrain

Subaxnimadii Talaadada, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa soo saaray bayaankoodii toddobaad, iyagoo ku dhawaaqay inay jawaab ka bixiyeen weerarradii uu Mareykanku qaaday saacad ka hor.

IRGC ayaa sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen “xarunta isgaarsiinta dayax-gacmeedka iyo dhismaha ay deggan yihiin ciidamada Mareykanka ee saldhigga Juffair ee Baxrayn.”

Isla subaxaas, waxa dhacay mid ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa ee IRGC, iyadoo laba markab oo shidaal sida lagu beegsaday Marinka Hormuz.

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay weerarka, halka ugu yaraan siddeed kalena ay ku dhaawacmeen.

Wakaaladda wararka ee Tasnim, oo ku dhow IRGC, ayaa sidoo kale werisay in weerarro laga fuliyay Kuwait, isla markaana “mowjdo qiiq ah” laga arkay magaalada Manama ee caasimadda Baxrayn.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles