Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in 19 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo uu ku jiro horjooge sare, lagu dilay laba howlgal oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyadoo howlgaladaasi ay kaashanayeen saaxiibada caalamiga ah.
War-saxaafadeed ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka koowaad laga fuliyay deegaanka Geel-gub oo u dhow Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay hay’addu sheegtay in Al-Shabaab ku uruurinaysay dagaalyahanno loo diyaarinayay weerarro.
NISA ayaa sheegtay in weerarro is xigay lagu beegsaday goobihii ay kooxda ku sugnaayeen, kuwaas oo lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana lagu burburiyay fariisimo iyo gabaadyo ay kooxda u adeegsanaysay abaabulka iyo qorsheynta weerarrada.
Howlgalka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan, halkaas oo NISA ay sheegtay in lagu burburiyay xarun ay Al-Shabaab u adeegsanaysay kaydinta hubka laga soo uruurin jiray gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.
Sida ay hay’addu sheegtay, howlgalkaas waxaa lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo uu ku jiray sarkaal lagu magacaabo Faaruuq, kaas oo NISA ku tilmaantay inuu mas’uul ka ahaa kaydka hubka ee kooxda.
NISA ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu burburiyay hub iyo agab militari oo yaallay xarunta, kuwaas oo ay ku jireen laba gaari oo nooca Tiknikada ah, laba booyadood iyo laba mooto.
Hay’addu waxay xustay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu bartilmaameedsanayo hoggaanka, xarumaha iyo shabakadaha sahayda ee Al-Shabaab, si loo wiiqo awoodda kooxda iyo dhaqdhaqaaqeeda.


