Sarkaalkii Keydka Hubka iyo xubno kale oo ka tirsanaa AS oo lagu dilay Hirshabelle

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in 19 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo uu ku jiro horjooge sare, lagu dilay laba howlgal oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyadoo howlgaladaasi ay kaashanayeen saaxiibada caalamiga ah.

War-saxaafadeed ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka koowaad laga fuliyay deegaanka Geel-gub oo u dhow Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay hay’addu sheegtay in Al-Shabaab ku uruurinaysay dagaalyahanno loo diyaarinayay weerarro.

NISA ayaa sheegtay in weerarro is xigay lagu beegsaday goobihii ay kooxda ku sugnaayeen, kuwaas oo lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana lagu burburiyay fariisimo iyo gabaadyo ay kooxda u adeegsanaysay abaabulka iyo qorsheynta weerarrada.

Howlgalka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan, halkaas oo NISA ay sheegtay in lagu burburiyay xarun ay Al-Shabaab u adeegsanaysay kaydinta hubka laga soo uruurin jiray gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Sida ay hay’addu sheegtay, howlgalkaas waxaa lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo uu ku jiray sarkaal lagu magacaabo Faaruuq, kaas oo NISA ku tilmaantay inuu mas’uul ka ahaa kaydka hubka ee kooxda.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu burburiyay hub iyo agab militari oo yaallay xarunta, kuwaas oo ay ku jireen laba gaari oo nooca Tiknikada ah, laba booyadood iyo laba mooto.

Hay’addu waxay xustay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu bartilmaameedsanayo hoggaanka, xarumaha iyo shabakadaha sahayda ee Al-Shabaab, si loo wiiqo awoodda kooxda iyo dhaqdhaqaaqeeda.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles