DF oo sheegtay in xalay G/Hiiran lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay diyaarado dagaal oo xalay duqeymo ka fuliyay deegaanka Goobo oo qiyaastii 10 kiiloomitir dhanka waqooyi kaga beegan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

War ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta xalay lagu dilay 42 maleeshiyaad oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka 12 kale lagu dhaawacay, kaddib markii la beegsaday goob ay isku uruursanayeen dagaalyahanno ka firxaday dagaallo hore uga dhacay deegaannada Sullaay iyo Waab-weyn.

Wasaaraddu waxay sheegtay in duqeymaha lagu burburiyay gaari nooca ciidanka ah, fariisimo iyo difaacyo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka sameysteen deegaanka Goobo.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, howlgalka waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ee taageera la-dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo lagu tilmaamay inuu qayb ka yahay howlgalada lagu baacsanayo maleeshiyaadka kooxda ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalada socda ay si weyn u wiiqeen awoodda Al-Shabaab, isla markaana kooxda ay bilihii la soo dhaafay la kulmeysay khasaare isugu jira dagaalyahanno iyo horjoogayaal lagu dilay howlgallo ka dhacay gobollo kala duwan.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Macawiisleyda ee ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo caddeysay in ay sii socon doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo kooxda ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles