Ukraine iyo Midowga Yurub oo iska kaashanaya ballaarinta soo saarista drones-ka

Ukraine iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay inay hirgeliyaan mashaariic wadajir ah oo lagu ballaarinayo soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Iyada oo ka hadleysay magaalada Kyiv, Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegay in heshiiskani uu isku dari doono hal-abuurka Ukraine iyo awoodda wax-soo-saarka warshadaha Yurub.

Ukraine waxay dhistay warshado casri ah oo soo saara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay uga hortagto duullaanka Ruushka, waxayna khibraddeeda u iibisay sagaal dal, oo ay ku jiraan dalalka Khaliijka, kuwaas oo raadinaya habab ka jaban oo ay isaga difaacaan weerarrada Iiraan.

Heshiiska maanta ayaa ah kii ugu horreeyay ee loogu talagalay inuu daboolo dalalka iyo shirkadaha ka kala tirsan Midowga Yurub.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles