Heshiis is afgarad ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga oo la ansixiyay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, ee magacaabista Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah ee Rugta ganacsiga Soomaaliyeed, in uu noqdo Mudane Yaasiin Maxamuud Cibaar.

Kulanka golaha oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu kala diray Gudigii hore ee Rugta Ganacsiga waxaanna uu Guddoomiyaha ku-meelgaarka ah diyaarin doonaa habraaca doorashada iyo dhisidda guddiga cusub muddo labo sano ah.

Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyey heshiisyo iyo habraacyo muhiim u ah Qaranka,kuwaas oo ay golaha usoo gudbiyeen Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran waxa ayna kala yihiin.

1. Habraaca isku xirka farriimaha dowladda xilliyada xaaladaha degdegga ah ee la xiriira falalka argagixisada.

2. Hindise-Sharciyeedka Sharciga Dhismaha Hey’adda Dakhliga Qaranka.

3. Heshiis is af-garad oo u dhexeeya Dowlaha Soomaaliya iyo Croatia, kuna saabsan Watashiyada Siyaasadeed ee labada dal.

4. Heshiis is af-garad oo u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).

5. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga kuna saabsan Horumarinta Iskaashiga Deegaanka ee labada dal.

6. Axdiga Dhismaha Kooxda Istaraatiijiyadda Macdanta Afrika iyo Iskaashiga Horumarinta Macdanta Muhiimka ah.

Ugu dambayn, kulanka golaha Wasiirrada ayaa darajada Safiirnimo u dallacsiiyey Mudane Shaafi Nuur Calas Faarax, halka Danjire Cabdifitaax Maxamed Ibraahim loo magacaabay Safiir.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles