Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray laba warqadood oo la xiriira baaritaanka lagu wado maamulka arrimaha Xajka.
Warqadda koowaad ayaa si toos ah loogu diray Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, iyadoo lagu wargeliyay inuu hor yimaado guddiga si uu uga jawaabo su’aalo ku saabsan maamulka, hufnaanta iyo cabashooyinka laga soo gudbiyay howlaha Xajka.
Guddigu wuxuu sheegay inuu gudanayo waajibaadkiisa dastuuriga ah ee la-xisaabtanka hay’adaha dowladda, isla markaana uu doonayo in wasiirku bixiyo warbixin dhammaystiran iyo faahfaahin ku saabsan eedeymaha iyo cabashooyinka la xiriira adeegyada Xajka.
Warqadda labaad ayaa nuqul ahaan loo gaarsiiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loogu wargeliyo tallaabada uu guddigu qaaday iyo u yeerista wasiirka, maadaama arrintu la xiriirto waajibaadka baarlamaaniga ah ee kormeerka iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, guddigu wuxuu caddeeyay in kulanka uu noqon doono mid furan oo su’aalo iyo jawaabo ah, iyadoo la qorsheynayo inay goobjoog ka noqdaan warbaahinta Qaranka iyo warbaahinta madaxa-bannaan, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.
Warqadahan ayaa ku soo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan doodaha iyo cabashooyinka la xiriira maamulka arrimaha Xajka, iyadoo la filayo in Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka uu hortago guddiga si uu uga jawaabo su’aalaha loo diyaariyay.


