Ciidamada Kenya oo ka hortagay weeraro qaraxyo ah

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarro la tuhunsanaa inay qorsheynayeen kooxaha argagixisada, kaddib markii ay heleen oo ay si nabdoon u burburiyeen afar walxood oo qarxa (IED) oo lagu aasay waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Lamu.

War-saxaafadeed ay Ciidamada Difaaca Kenya ee KDF soo saartay Isniintii ayaa lagu sheegay in ciidamada ka qeyb qaadanaya Howlgalka Amani Boni ay markii hore heleen miino cadaadis ku shaqeysa (pressure plate IED) intii ay wadeen baaritaan lagu sugayay ammaanka waddooyinka, ka hor inta aysan qarxin.

Maalmo kaddib, khubarada ciidamada ee ka shaqeeya miinooyinka iyo walxaha qarxa (EOD) ayaa deegaanka Sarira ka helay saddex miino oo kale oo si qarsoodi ah loogu aasay waddooyinka, kuwaas oo dhammaantood la burburiyay.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in miinooyinkan lagu aasay waddooyin ay si joogto ah u isticmaalaan ciidamada ammaanka iyo shacabka rayidka ah, taasoo muujinaysa in weli ay jirto khatar ka imanaysa kooxaha argagixisada ee ka howlgala kaymaha Boni.

Ciidamada Difaaca Kenya ee KDF ayaa sidoo kale xustay in helitaanka joogtada ah ee miinooyinka noocan ah ay caddeyn u tahay in kooxaha argagixisada ay hadda si weyn ugu tiirsan yihiin qaraxyada waddooyinka, kaddib markii howlgallada amniga ay wiiqeen awooddoodii ay ku fulin jireen weerarrada tooska ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sacuudiga oo tuhunsan in Imaaraadku door ku lahaa aqoonsiga Israel ee Somaliland

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa, sida lagu sheegay warbixin cusub...

Fiqi “Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo amniga wax u dhimeysa”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin culus...

RW Xamsa oo ka digay in la siyaasadeeyo amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay...

Iran oo shaacisay war ku saabsan marinka Hormuz

Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles