Dagaal xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka qarxay meel u dhow kontoroolka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, kaddib markii ay isku dhaceen ciidamo horay isku horfadhiyay deegaanka u dhexeeya Boosaaso iyo Laag.
Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in iska horimaadku uu u dhexeeyo ciidamada PSF ee ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Puntland, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ka dhex taagnaayeen xiisado la xiriira awoodda iyo maamulka ciidamada.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaas culus laga maqlayay agagaarka kontoroolka Boosaaso, iyadoo xaaladda deegaanka ay weli kacsan tahay, isla markaana aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku saabsan sababta dagaalka, tirada khasaaraha ama xaaladda ciidamada ku lugta leh.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmeysa xilli horey ay u jireen khilaafaadyo siyaasadeed iyo kuwo amni oo u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.


