Baarlamaanka Turkiga oo Ansixiyay Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin uu soo gudbiyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo lagu kordhinayo muddo laba sano ah joogitaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga ee Soomaaliya, laga bilaabo 27-ka Luulyo 2026.

Go’aankan ayaa u oggolaanaya ciidamada Turkiga inay sii wadaan taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah, tahriibka iyo khataraha kale ee amniga.

 Sidoo kale, howlgalka ayaa ka socon doona dhulka iyo biyaha Soomaaliya, iyadoo baaxadda iyo waqtiga howlgalka uu go’aamin doono Madaxweynaha Turkiga.

Mooshinka ayaa lagu sheegay in xiriirka iskaashiga u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu soo jiray tan iyo sanadkii 2011, islamarkaana uu ku saleysan yahay heshiisyo dhinacyada difaaca, tababarka ciidamada iyo iskaashiga warshadaha milatariga.

Waxaa sidoo kale lagu xusay in inkastoo ciidamada amniga Soomaaliya ay haystaan shaqaale iyo awood ku filan, haddana caqabadaha dhaqaale ay wiiqeen awooddooda ay ku gudan karaan waajibaadkooda, taasoo keentay in Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah uga codsato Turkiga taageero dhinaca amniga.

Qoraalka Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale tixraacay qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee la ansixiyay 1-dii Diseembar 2023, kaas oo taageeraya dadaallada Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada.

Turkiga ayaa sheegay in kordhinta howlgalka ay gacan ka geysan doonto sugidda amniga Soomaaliya, ilaalinta kheyraadkeeda dhaqaale, xasilloonida marin-biyoodka muhiimka u ah ganacsiga badda ee Turkiga, iyo xoojinta dadaallada caalamiga ah ee ka dhanka ah argagixisada iyo burcad-badeedda ee Gacanka Cadmeed, Badda Carabta iyo biyaha ku hareeraysan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sacuudiga oo tuhunsan in Imaaraadku door ku lahaa aqoonsiga Israel ee Somaliland

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa, sida lagu sheegay warbixin cusub...

Fiqi “Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo amniga wax u dhimeysa”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin culus...

RW Xamsa oo ka digay in la siyaasadeeyo amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay...

Iran oo shaacisay war ku saabsan marinka Hormuz

Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles