Saturday, July 25, 2026

Imaaraadka Carabta oo Gabagabo ku dhow Dhismaha Saldhig Millatari oo ku yaalla Berbera

Warbaahinta The Global Eye ayaa daabacday warbixin ay ku sheegtay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay gebogebo ku dhowdahay ballaarinta saldhig millatari oo ku yaalla agagaarka Garoonka Diyaaradaha Berbera.

Warbixinta ayaa sheegtay in saldhigga lagu kordhiyay xarumo cusub oo difaaca cirka ah, nidaamyo raadaar, hangarro loogu talagalay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo diyaaradaha kale, iyo sidoo kale bakhaarro dhulka hoostiisa laga dhisay oo lagu kaydinayo hub iyo saanad ciidan.

The Global Eye waxay sidoo kale ku doodday in saldhigga ay wada adeegsan doonaan Imaaraadka Carabta, Mareykanka iyo Israa’iil, inkastoo aan weli jirin xaqiijin rasmi ah oo ay arrintaas ka bixiyeen dowladaha ay warbixintu xustay.

Illaa iyo hadda, Somaliland, Dowladda Imaaraadka Carabta, Mareykanka iyo Israa’iil midkoodna si rasmi ah ugama hadlin warbixinta ay baahisay The Global Eye.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo ku Wajahan Furimaha Dagaalka ee Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan...

Mareykanka oo Soomaaliya iyo Eritrea kala hadlaya Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Dowladda Mareykanka ayaa billowday wada-hadallo ay la yeelaneyso Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Mandhera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarro kala duwan ka...

Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Sacuudiga

Kooxda Xuutiyiinta ee xukunta waqooyiha dalka Yemen ayaa duqeyay...

Suudaan oo eedeyn u jeedisay Itoobiya

Dowladda Suudaan ayaa ku eedaysay Itoobiya inay hakisay korontadii...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles