Thursday, March 13, 2025

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Safiirka Imaaraat-ka u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta xafiiska ku qaabbilay Safiirka Dowladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo sidii loo ballaarin lahaa mashaariicda horumarineed oo ay Dowladda Imaaraadka ka fuliso Magaalada Muqdisho.

Safiirka Dowladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Guddoomiye Amiir xilka culus ee loo igmaday, wuxuuna safiirku sheegay in Dowladda Imaaraadka ay diyaar u tahay sidii loo amba qaadi lahaa mashaariicda horumarineed ee ay ugu talagashay dib udhiska Caasimadda iyo bilicda Magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka garab istaaga shacabka Soomaaliyeed iyo doorkooda ku aadan ka qeyb qaadashada dib usoo kabashada Caasimadda, asigoona sidoo kale xoojiyay sii amba qaadida heshiisyada iskaashi ee horey u horey loo galay.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo Boqolaal Dadweyne ah Kula Afuray Suuqa Bakaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliyaha sare ee arrimaha difaaca

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Taliyaha Booliiska oo qabtay kulan looga hadlayey la dagaalanka AS

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxii Drones-ka ee Daacish oo lagu dilay Buuraleyda Cali-miskaad ee G/Bari

War ka soo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland...

Maxaa looga hadlayay shirka golaha wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles